falaqeenta manata
maal mahan danbo ayaa waxaa soo shaac baxday in Somalidu ku nool qurbaha ee si aad ah dhaqanka ugu sii foganayaan maxaa yelay, sannadkaan aan hada ku jirno2013 ayaa baqtiyeen Paul Walker iyo Nelson Mandela. Markaas ayaa dad badan sawiradad so sarateen wabsedada aadka loo is ticmaalo facebook, twitterka, instgram, iyo kuwoo kale oo aad u faro badan, wax yaabaha aan la yaabay ee soo qoraan baa ka mid ah `waaan kuu xiisi donaa` iyo `ilaah ha u naxariisto´ aniga aad baan ula yaabay...ma oga miyaa inuu gaal yahya oo qofkii gaal jeclaado in aaqiro lala soo bixin dona. mise gaalada waxee subiyaan waan suubine naa oo hormar aan moodnaa taas layaab.
Hadaan ka hadlo fikirkey jamaal ahaan:.
Paul walker aniga wax aan u soo qaad qaado waa igu qalad sabab to ah waa actar filimada jilo shaqo iyo shuqul managu lahan kaas waa qalad ween inaaba hadalkisa soo qaadno aan u arkaa aniga. wana gaal baqtiyaya..
lakiin Nelson Mandela iyo Paul wee ii siman yihiin waa gaalo baqtisay. Mandela ayaa in yar oo AFRICA ahaan dhihi karaa, qof ween ayaa ka dhintay south africa.
intaas ma dhaafsiin dona iyo taariikhduu u soo qabtay south africa iyo africa ahaan ba, waa geesi gaal ah oo wax fiican u sameyaya dalkiisa.......
maxaa ka taqaanaa Ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed wuxuu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sannadkii 1959-kii, hadda waa 54-jir. Waana dhaqaale-yaqaan jagooyin kala duwan soo qabtay.
C/weli Sheekh wuxuu ka baxay kulliyadii dhaqaalaha ee jaamacadii Gahayr ee Somalia, isagoo qaatay shahaadada heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadeed, waxaana xukuumadii milateriga ahayd ee Soomaaliya ay u magacowday markiiba agaasimaha guud ee wakaaladdii dhoofinta xoolaha Soomaaliya.
Markii uu dalku burburka galay C/weli Sheekh wuxuu u wareegay howlo kale isagoo lasoo shaqeeyay hay’ado badan, ururro, bangiyo iyo dalal caalamka ku yaalla. Wuxuuna daggan yahay dalka Canad isagoo haysta laba dhalasho ee Soomaali iyo Canadian.
Wuxuu muddo laabtan sano ka badan la shaqeynayay Hay’adaha kala duwan kasoo kala ah: Bankiga Canada, Bankiga Adduunka, hay'adda gargaarka dibadda u qaabilan waddanka Mareykanka ee USAID, urur-goboleedka galbeedka Afrika ECOWAS, bangiga horumarinta Islaamka iyo kuwo kale.
Sidoo kale, C/weli Sheekh wuxuu sannado la shaqeeyay hay’ado Qaramada Midoobay ka tirsan, Midowga Afirka, Midowga Yurub, ururka horumarinta beeraha jaamacadda Carabta, IGAD, urur-goboleedka golaha iskaashiga Khaliijka, sanduuqyada dhaqaalaha dalalka: Sucuudiga Carabiya, Kuwait, Qatar, bangiga horumarinta Aasiya iyo bangiga horumarinta Afrika.
Ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu si aad u wanaagsan ugu hadlaa marka laga soo tago luuqaddiisa hooyo ee Soomaaliga afafka kala ah Ingiriiska, Carbiga, Talyaaniga iyo Faransiiska.
Dhanka kale, wuxuu socdaallo shaqo ku maray in ka badan 100-waddan oo calaamka ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin 11 dalka oo kala ah: Somalia, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Zambia, Masar, Canada, Yemen, Sucuudi Carabiya, Kuwait, Imaaraadka Caabta iyo Malaysia.
Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa xilka ra’iisul wasaarenimo ee dalka si toos ah ula wareegi doono markii uu codka kalsoonida ka helo golaha shacabka sida uu qabo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
maxaa keenay is qab qabsiga u dhaxeya ra'iisul wasaraha iyo maxadweenaha Somaliyeed
markee bur burtay doladii weenet ee Somalia baa dalkii somaliyeed iyo dadkiiba galeen mugdi aad u ween iyo kala tagsanaan baaxad ween.
ilaa markas waxaa soo maraya ilaa 5-6 maxadweene saan filaayo aniga hadaan qaldanen. intaas in kabadan oo ra'iisul wasaarayaal soo mareen ilaa 8-9.
sanadihii ugu danbeyaya waxaa soo shaac baxay is qab qabsiga ra'iisul wasaraha iyo madaxwenaha. ka soo bilaaw cabdulaahi yusuf ilaah ha u naxariiste. ilaa kan manta haayo qilaafka wuu jiraa, sababta kentay na waa la garan la'yahay..
markaan la shekestay dadka falanqeyo siyaasadaha waxee sheegaan, ina ariyo dhaqaalo iyo qabiil la isku qabtay marka aniga jamaal ahaan ma ila ahan, oo wax kalaa jiraa is leyahaya oo keentay taas.