qarax ka dhacay Nairobi
16/12/2013 03:48
Bombaano ayaa lagu tuuray bus magaalo madaxda Kenya ee Nairobi, iyadoo dishay ugu yaraan afar qof, inka badan soddon qofna waa ay ku dhaawacantay.
Baska Wuxuu u socday Eastleigh, oo ay degan yihiin Soomaali badan. Waxaa jiray dhowr qarax oo ka dhacay Eastleigh sanadihii ugu danbeeyay, sanadkii hore qarax ka dhacay bus ayaa waxaa ku dhintay toddobo qof.
Bishii September Alshabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta dukaamada ee Westgate ee Nairobi, iyadoo ay ku dhinteen lixdan iyo toddobo qof.